JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAYโ€™ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ข๐ข ๐Ÿ‘-๐š๐š๐ ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐ ๐๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐’๐จ๐œ๐จ๐ญ๐š ๐Š๐จ๐จ๐ง๐Ÿ๐ฎ๐ซ ๐†๐š๐ฅ๐›๐ž๐ž๐.

Bogga HoreWararka ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ข๐ข ๐Ÿ‘-๐š๐š๐ ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐ ๐๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐’๐จ๐œ๐จ๐ญ๐š ๐Š๐จ๐จ๐ง๐Ÿ๐ฎ๐ซ ๐†๐š๐ฅ๐›๐ž๐ž๐.

Maalintii 3-aad, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si gaar ah gudaha iyo tuulooyinka ku xeeran magaalada Baydhabo, waxaa si xowli ah uga socda howlaha biyo dhaaminta ee loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaannada maamulkaas.

Maanta, biyo dhaaminta waxaa laga fuliyay deegaanno hoostaga magaalada Baydhabo, halkaas oo biyo naf-badbaadin ah la gaarsiiyay dhowr goobood oo ay ku nool yihiin barakacayaal iyo qoysas nugul oo si weyn u wajahaya biyo yari iyo xaalado nololeed oo adag.

Gurmadkan biyo dhaaminta ah waxaa fulinaya Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo la xoojinayo dadaallada lagu badbaadinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Masโ€™uuliyiinta hogaaminaya Gurmadkaan oo ay qeyb ka yihiin wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed, Maamulka degmada Baydhabo iyo kaaliyaha guddoomiyaha SoDMA Cabdiraxmaan Waxiid ayaa sheegay in howlahan ay sii socon doonaan, isla markaana la gaarsiin doono deegaanno kale oo u baahan gargaar degdeg ah, si loo yareeyo saameynta abaarta loona taageero qoysaska nugul ee ku nool Koonfur Galbeed.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.