Hayโadda SoDMA iyo Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo Biyo Dhaamin ka Fuliyay Gobolka Bay
Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) oo kaa shaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta biyo dhaamin ka sameeyay deegaanka Hawen oo hoostaga magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, si loo taageero dadka ay abaaruhu sida weyn u saameeyeen.
Deeqdan biyo dhaaminta ah ayaa loogu talagalay inay ka faaโiideystaan qoysaska ku nool deegaanka oo wajahaya biyo yari ka dhalatay abaarta ka jirta gobolka.
Sidoo kale, Hayโadda SoDMA waxay ka wada gobollada dalka howlaha gurmadka baniโaadannimo oo isugu jira cunto qeybin iyo biyo dhaamin, si loo badbaadiyo dadka nugul ee ay saameeyeen abaaraha.








0 Comments