JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAYโ€™ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ซ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐‹๐จ๐จ๐ ๐š ๐‡๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐š๐š๐ฆ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐Ÿ๐š๐ช๐จ-๐๐š๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐ค๐š๐๐ก๐š๐ฅ๐š๐ญ๐š๐ฒ.

Bogga HoreWararka ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ซ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐‹๐จ๐จ๐ ๐š ๐‡๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐š๐š๐ฆ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐Ÿ๐š๐ช๐จ-๐๐š๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐ค๐š๐๐ก๐š๐ฅ๐š๐ญ๐š๐ฒ.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda abaaraha dalka iyo saameynta ay ku yeesheen caafimaadka bulshada, gaar ahaan nafaqo-darrada.

Kulanka waxaa ka qeyb galay masโ€™uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka, gaar ahaan qeybta xaaladaha degdegga ah (Emergency), iyo Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed. Intii uu socday kulanka waxaa diiradda lagu saaray saameynta abaaraha ee dhinaca caafimaadka iyo kororka nafaqo-darrada, iyadoo la isku raacay in la xoojiyo wada-shaqeynta u dhaxeysa SoDMA iyo bahda caafimaadka, si loo dardargeliyo gurmadka loona gaarsiiyo gargaarka deegaannada ay abaaruhu sida weyn u saameeyeen.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mudnaan gaar ah la siiyo deegaannada ay sida weyn u saameeyeen abaaraha, si loo gaarsiiyo adeegyo caafimaad iyo gargaar degdeg ah dadka ugu nugul.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.