JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

SoDMA oo Muqdisho ku qabatay shir lagu xoojinayo isku-duwidda ka-jawaabista abaarta.

Bogga HoreWararka SoDMA oo Muqdisho ku qabatay shir lagu xoojinayo isku-duwidda ka-jawaabista abaarta.
Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay shir ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), kaas oo looga hadlayay isku-duwidda dadaallada ka-jawaabista abaaraha iyo xoojinta gargaarka degdegga ah ee bulshooyinka nugul.
Shirkan waxaa ka qaybgalay Wasaaraddaha iyo hay’adaha dowladda, kuwaas oo falanqeeyay xaaladda abaarta ee dalka iyo baahiyaha degdegga ah ee bulshada. Waxaa sidoo kale la soo bandhigay xogta ugu dambeysay ee saameynta abaarta, iyadoo la muujiyay meelaha ugu daran iyo tirada dadka ay saameysay.
Ka qaybgalayaashu waxay isla meel dhigeen muhiimadda ay leedahay midaynta qorshayaasha gargaarka si loo hubiyo in kaalmo bani’aadannimo ay si hufan oo degdeg ah u gaarto dadka ugu baahan, gaar ahaan carruurta, haweenka, iyo qoysaska nugul.
Waxaa sidoo kale looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Hay’adaha dowladda si horumariyo nidaamka gurmadka iyo ka-jawaabista xaaladaha degdegga ah.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.