Magaalada Moqdisho waxaa lugu xiray Shirka Madasha Biniโaadannimada Soomaaliya (๐๐๐ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ) kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada ka hortagga masiibooyinka iyo dhisidda u adkeysiga abaaraha.
Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Hayโadda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), ayaa hal-ku-dheggiisi ahaa:โ๐๐ฟ๐ผ๐บ ๐ฅ๐ฒ๐๐ฝ๐ผ๐ป๐๐ฒ ๐๐ผ ๐ฃ๐ฟ๐ฒ๐๐ฒ๐ป๐๐ถ๐ผ๐ป: ๐๐ฑ๐๐ฎ๐ป๐ฐ๐ถ๐ป๐ด ๐ฃ๐ฟ๐ผ๐ฎ๐ฐ๐๐ถ๐๐ฒ ๐๐ฅ๐ ๐ฎ๐ป๐ฑ ๐๐ฟ๐ผ๐๐ด๐ต๐ ๐ฅ๐ฒ๐๐ถ๐น๐ถ๐ฒ๐ป๐ฐ๐ฒ ๐ถ๐ป ๐ฆ๐ผ๐บ๐ฎ๐น๐ถ๐ฎโ, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka kala socday dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, hayโadaha Qaramada Midoobay, safaaradaha, ururrada samafalka, ganacsatada, iyo bulshada rayidka ah.
Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa gabagabadii shirka sheegay in ay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga iyo jawaab-celinta degdegga ah, si wax looga qabto saameynta abaaraha ka jira dalka.
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Saalax Ahmed jaamac oo khudbad xiritaan ah jeediyay ayaa sheegay in waqtigu yahay mid muhiim u ah in Soomaaliya ay ka gudubto ku tiirsanaanta gargaarka dibadda, isla markaana ay qaadato siyaasad ku dhisan isku-tashi iyo ka hortag. Wuxuu xusay in isbeddel weyn uu ku yimid habka gargaarka biniโaadannimo ee caalamka, iyadoo deeqihii la siin jiray Soomaaliya ay hoos u dhaceen sababo la xiriira colaadaha iyo duruufaha cakiran ee ka jira dunida, gaar ahaan Bariga Dhexe.
Mudane Saalax ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyadu ay masโuuliyad gaar ah ka saaran tahay ka jawaabidda baahiyaha shacabka, iyagoo adeegsanaya ilaha gudaha sida canshuuraha, iskaashiga ganacsatada, iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed.
Ugu danbeyn Shirka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad guud oo ku saabsan xoojinta iskaashiga, dejinta talooyin wax ku ool ah, iyo qaadista tallaabooyin cad oo lagu hirgelinayo istaraatiijiyadda ka hortagga masiibooyinka iyo dhisidda mustaqbal adkeysi leh oo Soomaaliya ay yeelato.
#CHF2026
#Abaaraha
#Soomaaliya








0 Comments