JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAYโ€™ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ-๐ƒ๐ฎ๐ฐ๐ข๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š (๐๐ƒ๐Œ๐‚๐‚) ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐ฒ ๐Œ๐จ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ.

Bogga HoreWararka ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ-๐ƒ๐ฎ๐ฐ๐ข๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š (๐๐ƒ๐Œ๐‚๐‚) ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐ฒ ๐Œ๐จ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ.

Guddoomiye Ku-xigeenka Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Ahmed Abdi Adan, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha (NDMCC).

Shirkan oo ay qaban-qaabisay Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta isku-duwidda ka-jawaabista abaarta, falanqaynta xaaladda baniโ€™aadannimo ee dalka, iyo adkaynta wada-shaqeynta hayโ€™adaha dowladda.

Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha (NDMCC), oo la qabto saddexdii biloodba mar, ayaa ujeeddadiisu tahay horumarinta nidaamka wadaagga xogta, qiimeynta xaaladda abaarta, iyo hagidda tallaabooyinka qaran ee wax looga qabanayo saameynta abaaraha.

Kulanka waxaa ka qeyb-galaya wakiillo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada dalka, iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo si wadajir ah u falanqeynaya xaaladda sugnaanta cuntada, heerka baahiyaha jira, iyo caqabadaha taagan.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka Hayโ€™adda SoDMA ayaa ka qeyb-galayaasha kula dardaarmay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga, wadaagga xogta saxda ah, iyo dardargelinta tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee lagu yareynayo saameynta abaarta ku haysa bulshada Soomaaliyeed.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.