JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAYโ€™ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

๐Œ๐š๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐ข๐ข๐ง ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐†๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐ƒ๐ก๐จ๐จ๐›๐ฅ๐ž๐ฒ ๐ž๐ž ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐‰๐ฎ๐›๐š๐๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž

Bogga HoreWararka ๐Œ๐š๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐ข๐ข๐ง ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐†๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐ƒ๐ก๐จ๐จ๐›๐ฅ๐ž๐ฒ ๐ž๐ž ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐‰๐ฎ๐›๐š๐๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isku-duwaha Arrimaha Baniโ€™aadannimada, Mr. George Conway, ayaa maanta gaaray magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.

Wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay magaalada Dhoobley Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad-goboleedka Jubbaland, ahna Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, iyo masuuliyiin kale oo heer gobol iyo degmo ah.

Ujeeddada socdaalka wafdiga ayaa ahayd in si dhow loo qiimeeyo xaaladda abaareed ee ka jirta Degmada Dhoobley iyo deegaanada hoos yimaada, si loo helo sawir dhab ah oo ku saabsan saameynta abaarta iyo baahiyaha degdegga ah ee ka jira deegaanka.

Intii ay halkaasi joogeen, wafdigu waxa ay kormeer ugu tageen bulshada nugul ee sida baโ€™an u saameysay abaartu, gaar ahaan dadka kusoo barakacay dhoobley kuwaas oo ay abaartu xoolahoodii dhaafisay. Sidoo kale, waxa ay kulamo la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo ka dhageystay saameynta abaarta iyo baahiyaha degdegga ah ee jira.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in wafdigu ay indhahooda ku arkeen xaalad adag oo ay wajahayaan dadka ku nool Dhoobley, isla markaana abaartu si weyn u saameysay nolosha iyo nolol-maalmeedka bulshada, isagoo xusay in loo baahan yahay dadaal degdeg ah iyo iskaashi ballaaran si wax looga qabto xaaladda jirta.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.