JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAYโ€™ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐ข๐ฒ๐จ ๐‚๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฃ๐ข๐ซ ๐” ๐ƒ๐š๐ซ๐๐š๐ซ-๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐š ๐๐š๐๐›๐š๐š๐๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ค๐š ๐š๐ฒ ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐ญ๐ฎ ๐–๐š๐ฑ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ฒ.

Bogga HoreWararka ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐ข๐ฒ๐จ ๐‚๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฃ๐ข๐ซ ๐” ๐ƒ๐š๐ซ๐๐š๐ซ-๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐š ๐๐š๐๐›๐š๐š๐๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ค๐š ๐š๐ฒ ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐ญ๐ฎ ๐–๐š๐ฑ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ฒ.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Dalladda Culimadda Somaaliyeed oo ay Hoggaaminayaan Guddoomiyaha Dalladda Culimada Soomaaliyeed sheekh adan macalin sugow sh suufi yare, Guddoomiye Kuxigeenka Dalladda Culimadda Somaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Maxamuud Cabdulbaari.

Kulanka waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda abaareed ee dalka ka taagan iyo sidii ay culimada Soomaaliyeed uga qaadan karaan door muuqda oo ku aaddan wacyigelinta bulshada, isu-gargaarka, iyo ka qayb qaadashada dadaallada gurmadka baniโ€™aadantinimo.

Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle waxuu Culimada kula dardaarmay in ay hoggaamiyaan baraarujinta bulshada, gaar ahaan sida ay muhiim u tahay in dadka Soomaaliyeed ay isku caawiyaan, sidoo kalana ay ku dadaalaan sidii dalka looga qaban lahaa roob-doon ballaaran, maadaama ay xaaladda abaartu taagan tahay oo ay saamayn ku yeelatay qaybo badan oo dalka ah.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Dalladda Culimada Soomaaliyeed sheekh adan macalin sugow sh suufi yare, ayaa sheegay in Culimadu ay diyaar u yihiin in ay dadaal dheeri ah geliyaan wacyigelinta bulshada, kana shaqeeyaan sidii gurmadka degdegga ah loo gaarsiin lahaa dadka ku jira xaaladda halista ah. Wuxuu xusay in culimada Soomaaliyeed ay mar walba diyaar u yihiin ka qaybqaadashada howlaha samatabixinta iyo ka hortagga dhibaatooyinka baniโ€™aadantinnimo.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, waxuu carrabka ku adkeeyay in la joogo xilli ay lagama maarmaan tahay in gacmaha la isqabsado, si loo badbaadiyo kumannaan qoys oo wajahaya xaalad adag oo biniโ€™aadannimo. Wuxuu u mahadceliyay culimada Soomaaliyeed doorkooda muuqda ee ku aaddan gurmadka, talo-bixinta, iyo wacyigelinta bulshada.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.