Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Dalladda Culimadda Somaaliyeed oo ay Hoggaaminayaan Guddoomiyaha Dalladda Culimada Soomaaliyeed sheekh adan macalin sugow sh suufi yare, Guddoomiye Kuxigeenka Dalladda Culimadda Somaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Maxamuud Cabdulbaari.
Kulanka waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda abaareed ee dalka ka taagan iyo sidii ay culimada Soomaaliyeed uga qaadan karaan door muuqda oo ku aaddan wacyigelinta bulshada, isu-gargaarka, iyo ka qayb qaadashada dadaallada gurmadka baniโaadantinimo.
Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle waxuu Culimada kula dardaarmay in ay hoggaamiyaan baraarujinta bulshada, gaar ahaan sida ay muhiim u tahay in dadka Soomaaliyeed ay isku caawiyaan, sidoo kalana ay ku dadaalaan sidii dalka looga qaban lahaa roob-doon ballaaran, maadaama ay xaaladda abaartu taagan tahay oo ay saamayn ku yeelatay qaybo badan oo dalka ah.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Dalladda Culimada Soomaaliyeed sheekh adan macalin sugow sh suufi yare, ayaa sheegay in Culimadu ay diyaar u yihiin in ay dadaal dheeri ah geliyaan wacyigelinta bulshada, kana shaqeeyaan sidii gurmadka degdegga ah loo gaarsiin lahaa dadka ku jira xaaladda halista ah. Wuxuu xusay in culimada Soomaaliyeed ay mar walba diyaar u yihiin ka qaybqaadashada howlaha samatabixinta iyo ka hortagga dhibaatooyinka baniโaadantinnimo.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hayโadda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, waxuu carrabka ku adkeeyay in la joogo xilli ay lagama maarmaan tahay in gacmaha la isqabsado, si loo badbaadiyo kumannaan qoys oo wajahaya xaalad adag oo biniโaadannimo. Wuxuu u mahadceliyay culimada Soomaaliyeed doorkooda muuqda ee ku aaddan gurmadka, talo-bixinta, iyo wacyigelinta bulshada.








0 Comments