Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa si rasmi ah u soo xiray wajiga labaad ee shirka wadatashiga ku saabsan ka hortagga ku takrifalka gargaarka bini’aadantinimo.
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay wakiillo ka kala socday Aqalka Sare, Golaha Shacabka, maamul-goboleedyada, maamulka gobolka Banaadir, Wasaaradda Caddaaladda, CID, Booliska, ururada bulshada rayidka ah, iyo qareenno, Kulanka Ujeeddadiisa wuxuu ahaa in la xoojiyo shuruucda iyo habraacyada lagu ilaalinayo hufnaanta iyo daahfurnaanta bixinta gargaarka.
Wajigan labaad wuxuu qayb ka yahay istaraatiijiyadda SoDMA ee ku saleysan daahfurnaan, isla xisaabtan, iyo hagaajinta hannaanka qeybsiga gargaarka. Kulanku wuxuu daba socday dadaallo hore oo lagu xoojinayay maamulka gargaarka iyo iskaashiga hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa caddaaladda, amniga, iyo xuquuqda aadanaha.
Ujeeddooyinka shirku waxaa ka mid ahaa:
- In la aqoonsado caqabadaha keeno hufnaan la aanta gargaarka.
- In la dhiso hannaan iskaashi rasmi ah oo u dhexeeya hay’adaha heerarka kala duwan.
- In la sameeyo xeerar iyo habraacyo cad oo lagula dagaallamo musuqmaasuqa iyo eexda.
- In la hirgeliyo nidaam kormeer joogto ah si gargaarku ugu gaaro si caddaalad ah dadka u baahan.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa xusay in gargaarka bini’aadantinimo uu yahay masuuliyad culus oo u baahan nidaam iyo daacadnimo, wuxuuna carabka ku adkeeyay in SoDMA ka go’an tahay ilaalinta hufnaanta howlaha gurmadka.
Gunaanadka shirkan ayaa saldhig u noqon doona xeerar iyo isbeddello cusub oo lagu xoojinayo la-dagaallanka ku takrifalka gargaarka, iyadoo lagu saleeyo mabaadii’da xuquuqda aadanaha, caddaaladda iyo wax-wada-lahaanshaha.
0 Comments