JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

War – Murtiyeedka Shirka Sedex Billaha ah ee iskudiwidda Arrimaha Gurmadka Deg Dega ah ah

Bogga HoreWararka War – Murtiyeedka Shirka Sedex Billaha ah ee iskudiwidda Arrimaha Gurmadka Deg Dega ah ah

War – Murtiyeedka Shirka  Sedex Billaha ah ee iskudiwidda   Arrimaha Gurmadka Deg Dega ah ah

 Taariikh: 07/10/2024.

Goobta: Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg dega ah (XQGDD) ee SoDMA

 Ujeeddo :  Soo koobida Doodaha Muhiimka ah iyo Talaabooyinka Xiga

Manta oo ay taarikhda tahay 7, October 2024, ayaa waxaa  lagu qabtay Xarunta Qaran ee gurmadka deg dega , Shirka sedex billaha ah ee  iskuduwidda Arrimaha Gurmadka deg dega ah. Shirkan  oo ay ka soo qayb galeen dhamaan  hay’adaha ka shaqeeya arriamha gurmadka deg dega ah , ayaa waxaa looga hadlay,  sare u qaadidda ka jawaabcelinta, iyo isku duwidda  xaaladaha degdega ah ee ka dhasha  falalka  guracan ee  Argagxisada, sida qaraxyada iyo musiibooyinka kale sida dabka, fatahaahada, ayada oo lagu gorofeeyay , casharadii laga bartay dhacdadii ugu danbeysay ee qaraxii Xeebta liido,  kaasoo dhacay 2badii August,  sababay   dhimasho  39 qof  , dhaawac 268 qof, iyo burbur hanti intab.

Waxaane ka soo Baxay shirka  qudobobada hoos ku xusan:

  1. Muhiimadda ee leedahay Isku-dubbaridka Xaaladaha Degdegga ah:
  • Waxaa Xooga la saaray, falanqaynta doorka muhiimka ah oo ay   leeyihiin dhammaan daneeyayaasha  arrimaha gurmadka deg dega ah , si loo hubiyo wax-ka-qabashada xaaladahan oo kale, loona xoojiyo  dadaallada  iskaashi  ee ka dhexeeya hay’adaha dowligha iyo kuwa gaarka  loo leeyahay ,  si loogu guulaysto holwaha Gurmadka deg dega ah.
  1. Hanaanka cusub ee hawlgalinta Ambalaasyada
  • Waxaa hoosta laga xariiqay , baahida loo qabo ka jawaabcelinta, iyo isku duwidda  xaaladaha degdega ah, ayada oo la hirgaliyay hanaan cusub ee lagu howlagalinayo Amabalaasyada, Marki ay jirto xaalad deg deg ah.
  1. Aragtida Maamulka Gobolka Banaadir:
  • Maamulka Gobolka Bandir ayaa sheegay dadaalda lagu bixiyay  sidii loo hormarin lahaa  wax ka qabashada xaaldaha deg dega ah ,  asaga oo  tibaaxay   casharada laga bartay dhacdadii xeebta liido, iyo Caqabadaha hadda jira. Waxaane leesla gartay in Maamulka Gobolka Banaadir uu hogaamiyo  howlgalada Amablaasyada  ee  gobolka, xilliga ay jirto xaalad deg dega ah.
  1. Talaabooyinka Dhaxal galka ah ee isbitaalada
  • Waxaa la falanqeeyay , caqabdaha oo lakulmo  isbitaalada , xilliyada  xaaladaha deg dega ah, ayada oo hoosta lag xariiqay  talaabooyinka ugu haboon   ee lagu xaqiijin karo isku xirnaanta dhaamaan isbitaalada &  Bixiyayaasha adeegyada gurmadka deg deg ah
  1. Xoojinta isku- Dubbaridka

 Waxaa la iftiimiyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la wanaajiyo xog – wadaaga  iyo iskaashiga ka dhexeeya daneeyayaasha. Sidoo kale,  waxa laga wada hadlay siyaabaha kor loogu qaadi karo   Xiriika  ka dhexeeya isbitaallada, adeegyada ambalaasyada, iyo hay’adaha dawladda.

  1. Aragtida Madasha Furan:
  • Ka qaybgalayaashu waxay is la garteed hirgalinta madasha arigrtida furan, taaso ay ku  wadaagayaan  aragtidooda  ku aadan caqabadaha ku horgudban  isuduwidda xaaladaha deg deg ah, iyo fursadaha lagu horumarin karo.
  1. Ogaysiin : Kooxda WhatsAppka – ee Isuduwidda Qaybta Gurmadka

 Si, sare looqu qaado isku xirnaanta, iskuduwidda iyo xog -is dhaafsiga , waxaa leesla gartay in la sameeyo  madashada mereegtada  whats appka, oo ku wada jirraan qaybaha kala duwan ee  gurmadka dega  ka shaqeeya,  taasoo loo isticmaali doono fududaynta howlaha  Gurmadka deg dega ah.

  1. Aqoonsiga Degdegga ah ee Ambalaasyada iyo Gaadiidka Gurmadka
  • Wadaagidda Xog hufan,  xilliyadda xaaladaha deg dega.
  • Sare u qaadidda wada shaqaynta adeeg bixiye yaasha caafimaadka.
  • Abuuridda Mareegtida Whats – appka ,  maalmaha soo socda
  • Kaqayb galin dhamystiran: Dhamaan  daneeyayasha , waxa lagu soo dari doonaa kooxda whats appka.
  • Habraac: Waxaa la dejinayaa hab-raacyada isticmaalka  meereegtida whatsapp- ka ee kooxda si loo hubiyo  xirirrka inuu noqdo mid wax ku ool ah  kuna  salaysan  xirfad aqooneed.

Waxaane  aaminsanahay in hindisahan uu si weyn u wanaajin doono awoodeena oo aan  si degdeg ah,  wax ku ool ah,  uga jawaabi doono  xaaladaha degdegga ah.

Talaabooyinka Xiga ( Next Steps)

Qaybinta  Hanaanka Howlgalinta ( SOP_) :    Marki la dhammeeyo  hananka  hawlgalinta  ambalaasyada waxaa loo qaybin doonaa dhammaan dadka ay khusayso ugu danbayn, dhammaadka bishan si ay uga soo talabixiyaan dhamestirka SOP, kadibna si daah furan loola wadaago dhamaan cida ay khuseyso

Kulanka Daba-galka ah: Kulan daba- gal ah ayaa la qaban  doonaa sedexda bil ee soo socda gudahooda , si dib loogu eego hirgelinta wax yaabaha  laga wada hadlay loona qiimeeyo caqabadaha jiri kara,  Kulankaas  oo lagu qaban doono  Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg-Deg ah ee Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qarank ee SoDMA 7bada bisha January 2025

Aqoon-is-weydaarsi & iskaashi:  waxaa la soo jeediyay ,  qabashada kulamo aqoon-is-weydaarsi ah, oo  sare loogu qaadayo  iskaashiga ka dhexeeya adeeg  bixiyaasha  Gurmadka degdegga.

Xog Aruurin (Mapping): In la soo aruuriyo xoogaha dhamaan Amblancyada iyo agabyada kale ee gurmadka deg-deg ah ka howlgala gobalka Banadir

Gunaanud :  Shirka uu soo xiray Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ( SoDMA) Dr. Axmed Cabdi adan , ayaa carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay xiriirka  dhiifanaanta , iyo iskudubbaridka dhammaan hay’adaha ku lugta leh  wax ka qabashada xaaladda degdegga ah, asaga oo ku nuuxnuusaday  baahida loo qabo in la helo hab midaysan oo lagu  maareeyo xaaladaha degdega ah,  si  kor loogu qaado adkeysiga bulshada.

Xiriirka Warbaahinta

Dhanka Dowladda Somalia

Magaca

Booska

Hay'adda

Lambarka

Iimayl

Mareega

Dhanka qaramada Midoobe

Magaca

Booska

Hay'adda

Lambarka

Iimayl

Mareega