JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Hay'adda

Horudhac

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) Waxaa la aas – aasay Agoosto 03.2011, kadib Marki ay dhacday Abaartii ku dhufatay dalka soomaa – liya, taasoo keentay in ay kasoo barakacaa – can deegaanadooda tobanaan kun oo qoys, Kuwaas oo si xoog leh ugu soo qulqulay Magaalooyinka waaweeyn ee dalka, aya – ga oo aanan haysan; hooy, cunno, biyo iyo daawo.

Waxayna faafinta rasmiga ee aas – aaska hay’addu soo baxday kadib go’aankii golaha wasiirada iyo Dekreeto Madaxwayne, Waxaana ansixiyay baarlamaanka federalka soomaaliyeed, ayaga oo ku ansixay sharci lr 17, sharcigaas oo soo baxay 27/06/2016. Inta u dhaxeeysay Abriil 2017- Luulyo 2022 waxa ay hay’addu qeyb ka ahayd Wasaarad – dii Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka ee XFS. Haseyeeshee, waxaa dib loo howl – galiyay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) 17/08/2022, kadib markii la baabi’yay Wasaaraddii si wax looga qabto xaaladda Bani’addanimo ee adag ee dalka ka jirta taasoo ka dhalatay roobabkii oo yaraaday dhawr xilli roobaad oo is xigx – igta waxaana dalka soo wajahday abaar ba’an dhamaadkii sandadii 2021, waana midda keenatay in si deg dea loo hawl gali – yay iyadoo aan la helin xadigii roobabka loo baahnaa.

Kadib markii dib loo hawlgaliyay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), waxa ay ku guuleysatay dardar galinta shaqada qaran ee maareeynta masii – booyinka iyo ka jawaabista degdega ah ee arrimaha baniaadamnimo ee dalka. Waxana guulaystay dadaalkii dawladda Soomaaliy – eed eek u aadanaa in dalka laga badbaadiyo macluushii laga cabsi qabay in ay dhacdo. Iyadoo aan la hilmaami karin dadaalka deeq bixiyayaasha iyo hay’daha ka shaqeeya gar – gaarka bani’aadanimo ee dalka ka hawlgala.

Hay'adda

Ku Saabsan Hay'adda

Qodobka 1aad : Dhismaha Hay'adda
  1. Waxaa Sharcigan lagu dhisay Hay’ad Dowladeed oo lagu magacaabo “Hay`adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed” oo marka magaca la soo gaabiyo noqonaya (SODMA) oo u taagan (Somali Disaster Management Agency).
  2. Astaanta Hay`adda waa: magaca hay`adda oo la soo gaabiyay oo khariidadaSoomaaliyana ay ku dhex taallo xarafka “o” oo kalar casaan qafiif ah ku xardhan yahay.
  3. Xarunta Hay’addu waa Caasimadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee Muqdisho, waxayna adeegeedu ku baahsanaan doonaa dhammaan D/goboleedyada, Gobollada iyo degmooyinka dalka oo idil.
  4. Hay’addu waa u madax-banan tahay gudashada xilkeeda, waxayna leedahay shakhsiyad Sharciyeed oo u gaar ah oo ay ku dacwoon karto laguna dacweeyn karo.
  5. Hay’addu waxay heshiisyo iyo is-afgarad la geli kartaa Hay’adaha dhigeeda ah ee heer goboleed iyo heer caalami ah.
  6. Hay’addu waxay hoos imaanaysaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka, oo ku leh kormeer, toosin, tilmaan iyo in laga siiyo warbixino joogta ah, Waxaana la xisaabtan kala dhexeyaa Baarlamaanka Federaalka ee Soomaliya.
Qodobka 2aad : Aragtida iyo Fariinta Hay’adda
  1. Hay`adda SODMA waxaay hiigsanaysaa in uu mujtamaca Soomaaliyeed ka badbaado naf & maalba masiibooyinka dhaca isla markaasna adkeeysi u yeesho hadii masiibi ku dhacdo, lana gaarsiiyo nolol qiimo iyo wax tar leh, aydoo horumarinaysa xirfado si deg deg ah uga jawaabaya musiibooyinka dabiiciga & kuwa aan dabiiciga ahayn ee dalka ka dhaca.
  2. Fariinta hay`adda waa in ay maamulayso dhammaan arrimaha musiiboyinka kuna jaangooynayso qorshe looga taxadiraayo noocyada kala duwan ee musiibooyinka isla markaasna horumarinayso awoodaha xirfada qeybaha kala duwan iyo sidoo kale hay`adaha ku shaqada leh si loo sii odoroso masiibada loogana tababusheeysto ka hortageeda ama yareynteeda inta aysan galaafan nolosha dadka iyo duunyadaba.
Qodobka 3aad : Ujeedooyinka Hay’adda
  1. Ka Badbadinta iyo ka samata bixinta bulsha Soomaaliyeed naftooda iyo hantidooda masiibooyinka dalka ka dhaca isla markaasna laga saro xaaladaha nugul ee u adkaysi la`aanta masiibooyinka qaarkood.
  2. Maareynta iyo Maamulidda dhammaan Masiibooyinka dabiiciga iyo kuwa dadku sababaan ee ka dhaca dalka.
  3. Diyaarinta Qorshe howled xilliyada dhow iyo midka fog ee looga hortegaayo ama lagu yareeynaayo si degdeg ahna loogana jawaabaayodhammaan masiibooyinka dalka ka dhaca.
  4. Diyaarinta xarumo iyo goobo Gobollada & Degmooyinka dalka oo laga maareeyo lagana maamulo Masiibooyinka ka dhaca Goobahaas.
  5. Abaabulidda & howl gelidda kooxo iyo qaybo awoodi kara ka hortegidda iyo ka jawaabidda degdega ah ee masiibooyinka.
  6. In la uruuriyo xogaha ku saabsan khataraha masiibooyinka lagana bixiyo digniino hore waqti ku haboon.
  7. Ujihaynta hay`adaha samafalka hadba baahiyaha degdega ka shaqeeya arrimaha masiibooyinka iyadoo latixgelinaayo mudnaanta baahidaas.
  8. In la dejiyo Siyaasad qaran ee ku aadan Maaraynta Masiibooyinka dalka.
  9. In hay`adada Maaraynta Masiibooyinku noqota wadiiqada keliya ee iskaashiga lagula sameeyo ee hay`adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga aheyn ee arrimaha la xiriira maareynta masiibooyinka.
  10. In la sameeyo daraasad la xiriira sabaha keena Masiibooyinka si loo turxaan bixiyo loogana hor tago soo noqnoqashadooda.
Qodobka 4aad : Mabaadi’da Hageysa hay’adda

Hay’adda markay fulineyso siyaasaddeeda ku aadan maareynta masiiboyinka ee heer qaran, waxay tixgelinaysaa mabaadi’da hoos ku qoran, iyadoo mabaadi’daas la dhexgelinayo qorshaha horumarineed ee dalku leeyahay:
a. In mudnaan gooni ah la siiyo dadka birimageydada ah sida carruurta, dumarka, waayeelka, nafada iyo dadka laga tirada badanyahay.
b. In la kobciyo dhaqanka & wacyiga u diyaargarowga masiibooyinka & ka fogaashaha khataraha ee heerarka kala duwan ee bulshada.
c. In la raaco qaababka adeegsiga aqoonta kala gedisan ee qeybaha kala duwan ee bulshada iyo in la isku dhafo aqoonta cilmiga iyo waxqabadka farsamo.
d. In la kobciyo waxyaabaha la xiriira nolosha joogtada ah ee dadka ku nool meelaha masiibooyinka dabiiciga ah u badan yihiin.
e. In la abuuro lana xoojiyo xiriirka u dhexeeya hey’adaha kala duwan sida hey’adaha dowladda, ganacsiga gaarka ah, warbaahinta, hey’adaha aan dowliga ahayn (NGO-yada) bulshada rayadka, hey’adaha Qaramada Midoobey iyo deeqbixiyaasha ee la xariira arrimaha masiibooyinka.
f. In iskaashi lala yeeshowaddamada kale iyo guud ahaan beesha caalamka si loo hormariyo yareynta qataraha ka iman kara masiibooyinka.
g. In la helo awood waxqabasho iyo mid farsamo iyadoo maskaxda lagu hayo meelaha masiibooyinka ka jiraan ee dalka.
h. In la diyaariyo qorsheyaal ku jaango’an maareynta qatarta masiibooyinka laga soo bilaabo heer tuulo ilaa qaran.

Qodobka 6aad : Qaab-dhismeedka Hay’adda SODMA
  1. Hay’addu waxay lahaanaysaa Guddi maamul oo ka kooban Guddoomiye iyo hal Ku-xigeen, Sadax (3) Agaasime Guud oo lagu soo magaacabo soo jeedinta Golaha Wasiiradda oo dhegaystay talada Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka, waxaana Dekreeto ku soo saaraya Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
  2. Hay`addu waxaa kaloo ay lahaanaysaa shaqaale xarunta iyo Wakiilo D/Goboleedyada Gobollada iyo Degmooyinka Dalka.
  3. Faahfaahinta qaab-dhismeedka Hay`adda & howlaha qeeybaha waxaa lagu soo saarayaa xeer gaar ah.
Qodobka 7aad : Howlaha iyo awoodaha Hay’adda

Hay’addu, iyadoo fulinaysa kuna dhaqmaysa siyaasadda iyo barnaamiyada guud ee Dawladda ee ku aadan arrimaha la xiriira masiibooyinka la soo gudboonaada bulshada kuwa dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga ahaynba ee sababa khasaaro naf, maal, barakac iwm, waxay si gaar ah ugu xilsaaran tahay:

  1. Diyaarinta qorsheyaasha iyo barnaamijyada heer Qaran ee ku aadan Masiibooyinka sida: ka- hor-taga, yareynta, ka-jawaabidda deg-dega ah iyo dib-uga-soo-kabashada.
  2. Ururinta xogaha iyo warbixinada Masiibooyinka iyo khataraha ku soo fool leh dalka iyo ka bixinta digniinaha hordhac ah iyadoo lala kaashanayo Hay’adaha ku hawlan arrimahaas ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.
  3. Maareynta iyo isuduwidda Barnaamijyada deeqaha sama-falka si loogu fuliyo qorsheyaasha heer Qaran.
  4. Isku-xirka iyo kormeeridda hay’adaha ka shaqeeya arrimaha aafooyinka kuwa dalka iyo kuwa caalamiga ahba.
  5. Idku-duba-ridika hay’adaha gurmadka ku yimaada, sida kuwa maxaliga ah iyo kuwa shisheeye.
  6. Maaraynta iyo maamulka hawlaha la xiriira daryeelka dadka iyo deegaanka ay saameeyeen masiibooyinku.
  7. La-socodka iyo hubinta wax-qabadka dhammaan Hay’adaha ku hawllan meesha ay masiibooyinku ka dhaceen iyo u fududaynta xariirka xagga Dawladda.
  8. Kor u qaadidda aqoonta guud & wacyigelinta dadweeynaha ee ku aadanarrimaha Maaraynta masiibooyinka iyo dhismaha kartida wax qabad ee dhammaan hay`adaha iyo dadka la tacaalaya masiibooyinka.
  9. U-gudbinta Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo Madaxda Qaranka warbixino joogta ah ee ku saabsan xaaladaha masiibooyinka iyo talooyinka habka ugu fudud oo looga hor-tegi karo ama loo maareyn karo.
  10. Iyo howlihii kale ee loogu xilsaaro sharci ama ay u xilsaaraan Guddiga Maaraynta Masiibooyinka Qaranka.
Hay'adda

Madaxda Hay'adda

Maxamud Macalim Cabdulle

Gudoomiyaha

Axmed Cabdi Aadan

Gudoomiye Ku Xigeen

Cabdirashiid Maxamuud Xassan

Agaasime Guud

Luul Axmed Galwo

Agaasime Guud

Cabdirisaaq Axmed Cali

Agaasime Guud