JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

SoDMA oo Soo Gabagabeysay Wajiga 3-aad ee Mashruuca Cunto-Qeybinta, 5,705 Qoysna Ka Faa’iideystay Balcad iyo Jalalaqsi.

Bogga HoreWararka SoDMA oo Soo Gabagabeysay Wajiga 3-aad ee Mashruuca Cunto-Qeybinta, 5,705 Qoysna Ka Faa’iideystay Balcad iyo Jalalaqsi.

Xilli abaarta ka jirta dalka ay gaartay heer halis ah, ayaa Hay’adda SoDMA soo gabangabeysay mashruuc cunto-qeybin ah (wajigii 3-aad) oo ay ka faa’ideysteen dadka nugul ee ku nool degmooyinka Balcad iyo Jalalaqsi ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle

Degmada Jalalaqsi waxaa gargaarka ka faa’iideystay 2,009 qoys, halka degmada Balcad ay ka faa’iideysteen 3,696 qoys.

Guud ahaan, 5,705 qoys oo ku kala nool labada degmo ayaa helay gargaarkan wajigiisa 3-aad, kaas oo ujeedkiisu ahaa in lagu yareeyo saameynta duruufaha nololeed ee adag ee ka dhashay abaarta dalka.

Mashruucan oo uu horay u daahfuray Gudoomiyaha Hey’adda SoDMA Md. Maxamuud Macalin ayaa intii uu socday waxa uu si muuqata wax uga taray nolosha dadka deegaanka ee wajahaya saameynta abaarta, isaga oo kaalin ka qaatay badbaadinta iyo taageeridda qoysaska nugul.
export_1767524214407

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.