JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

SoDMA oo ka qayb gashay shir qaran oo lagu xoojinayo diyaar-garowga iyo ka-jawaabista abaarta.

Bogga HoreWararka SoDMA oo ka qayb gashay shir qaran oo lagu xoojinayo diyaar-garowga iyo ka-jawaabista abaarta.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka qaybgalay shir wadatashi heer qaran oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta diyaar-garowga iyo ka jawaabista abaarta dalka ka jirta.

Shirkan waxaa ka qaybgalay wasaaradaha muhiimka ah ee wax-soo-saarka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana lagu soo bandhigay warbixinadii ugu dambeeyay ee xaaladda Sugnaanta Cuntada, iyadoo si faahfaahsan loo falanqeeyay saameynta abaarta ee ku timid dadka iyo xoolaha.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay Qorshaha Jawaabta Degdegga ah iyo Midka Mudada Gaaban ee SoDMA, iyo Qorshaha Diyaar-garowga Sugnaanta Cunnada (FSCPP), oo muhiim u ah xoojinta adkeysiga bulshada, gaar ahaan qoysaska nugul.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in dalka uu ku sugan yahay xaalad abaareed oo adag, isagoo ku baaqay in wadajir looga shaqeeyo badbaadinta dadka iyo xoolaha.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.