JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

SoDMA Iyo Norway Oo Xoojinaya Wadashaqeynta Gargaarka Bani’aadamnimada Iyo Horumarka

Bogga HoreWararka SoDMA Iyo Norway Oo Xoojinaya Wadashaqeynta Gargaarka Bani’aadamnimada Iyo Horumarka

MUQDISHO, SOOMAALIYA – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa shalay, oo Axad ahayd, kulan wax-ku-ool ah la yeeshay Siihayaha Safaaradda Norway ee Soomaaliya, Marwo Merete Dyrud. Kulankan oo ka dhacay Safaaradda Norway ee Muqdisho, ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga arrimaha bini’aadannimada iyo horumarinta bulshada. Waxaa guddoomiye Cabdulle kulanka ku weheliyay Madaxa Horumarinta Barnaamijyada ee hay’adda, Dr. Ismaaciil Jimcaale, halka Marwo Dyrud ay la socotay sarkaal ka tirsan Safaaradda Norway.

Kulanka ayaa lagu iftiimiyay doorkii muhiimka ahaa ee Norway ay ku lahayd bixinta gargaarka bani’aadamnimada iyo horumarka Soomaaliya. Iskaashigan waara ayaa daliil u ah sida ay Dowladda Norway uga go’an tahay midnimada caalamiga ah iyo wax-ka-qabashada caqabadaha adduunka, gaar ahaan gobollada ay saameeyeen colaadaha iyo isbedelka cimilada.

Marwo Merete Dyrud ayaa xaqiijisay in dowladda Norway ay go’aansatay inay kordhiso taageeradeeda, gaar ahaan adeegyada gargaarka degdegga ah iyo horumarinta bulshooyinka nugul. Waxay xustay in taageerada Norway ay soo marto jidad kala duwan, oo ay ka mid tahay maalgelin toos ah oo la siiyo hay’adaha samafalka iyo iskaashi laba geesood ah oo lala yeesho dowladda Soomaaliya, iyada oo diiradda la saarayo gargaarka degdegga ah, dhisidda awoodda, iyo horumarka muddada-dheer.

Dhinaciisa, Guddoomiye Cabdulle ayaa u mahadceliyay dowladda Norway taageerada istiraatiijiga ah ee ay siiso Soomaaliya. Wuxuu carabka ku adkeeyay in taageerada Norway ay door muhiim ah ka ciyaarto dhisidda awoodda dalka ee wax-ka-qabashada masiibooyinka iyo soo kabashada bulshada.

Laba dhinac ayaa ballan-qaaday inay si dhow u wada shaqeyn doonaan, iyagoo xoojinaya iskaashigooda si kor loogu qaado horumarka bulshada Soomaaliyeed loona xalliyo arrimaha degdegga ah ee bani’aadamnimada. Kulanku wuxuu kusoo dhamaaday is-faham iyo ballan-qaad wadajir ah oo ku aaddan iskaashi miro-dhal ah oo waara.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.