JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

SoDMA iyo Dowladda Qatar oo Muqdisho ka Daah-furay Mashruuc Cunto-Qeybin ah.

Bogga HoreWararka SoDMA iyo Dowladda Qatar oo Muqdisho ka Daah-furay Mashruuc Cunto-Qeybin ah.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdalla Bin Salim Al-Nuaimi ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah u daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto qeybin ah.

Mashruucan oo ay fulinayso Hay’adda Qatar Charity, oo kanaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa gargaar cunto lagu gaarsiinayaa ilaa 6,000 oo qoys oo danyar ah oo ay saameeyeen abaaraha ba’an ee dalka ka jira, gaar ahaan bulshada nugul ee nool Gobolka Banaadir.

Daahfurka mashruucan ayaa maanta ka dhacay Xarunta Barbaarinta Agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Hay’adda Qatar Charity, Abdifatah Aadan Macalin, ayaa sheegay in mashruucan cunto qeybinta ah ay si toos ah uga faa’iideysan doono dadka loogu talo galay, isagoo xusay in la gaarsiin doono qoysaska danyarta ah ee ay saameeyeen abaaraha dalka, si loo yareeyo dhibaatooyinkooda loona taageero noloshooda maalinlaha ah.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xusay in mashruucan cunto qeybin uu ku soo aaday xilli dalka uu wajahayo xaalad abaareed oo saameyn ku yeelatay bulshada nugul, wuxuuna uga mahadceliyay Dowladda Qatar iyo Hay’adda Qatar Charity doorkooda muuqda ee gurmadka bani’aadannimo, isagoo adkeeyay in Hay’addu sii wadi doonto isku dubbaridka dadaallada lagu gaarsiinayo gargaarka qoysaska ugu baahida badan.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.