Shaqaalaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee ( SoDMA), oo si isxilqaan ah ku soo iibiyay gaari nuuca xamuulka qaada, sida gargaarka, Daawooyinka iyo agabyada kale ee muhiimka ah, looguna caawiyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay maanta ku wareejiyeen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle.
Agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqalaha SoDMA, Marwo Abshiro oo masuulka ah dhammaan shaqaalaha Hay’adda ayaa gaarigaan ku wareejisay Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle, waxaana uu ka mahad-celiyay guddoomiyaha is xilqaanka ay sameeyeen dhammaan shaqalaaha Hay’adda.
0 Comments