JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenkii hore JFS Mahdi Maxamed Guuleed oo Booqday Xarunta SoDMA, Ka Wada Hadlay Xaaladda Abaarta.

Bogga HoreWararka Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenkii hore JFS Mahdi Maxamed Guuleed oo Booqday Xarunta SoDMA, Ka Wada Hadlay Xaaladda Abaarta.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta soo booqday Xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), waxuuna kulan gaar ah kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.

Kulanka ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray xaaladda abaareed ee dalka oo heer adag gaartay, saameyn ballaaranna ku yeelatay gobollada dalka iyo bulshada nugul. Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa warbixin faahfaahsan ka bixiyay heerka abaarta, saameynta ay leedahay iyo dadaallada xooggan ee lagu dardargelinayo gurmadka degdegga ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda isku-duubnida iyo is-garab istaagga bulshada, gaar ahaan xilligan bisha barakeysan, si loo xoojiyo taakuleynta dadka ay abaartu saameysay.

Ugu dambeyn, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, oo hadda xubin ka ah Golaha Shacabka, ayaa ballan-qaaday inuu codkiisa iyo kaalintiisa ku biirin doono dadaallada gurmadka, isagoo ka faa’iideysanaya khibraddiisii hore ee la xiriirtay maaraynta abaarihii dalka soo maray xilligii uu ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen dalka.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.