Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Xoghayaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale, ayaa si wadajir ah u shir-guddoomiyay kulan muhiim ah oo ka dhacay Xarunta Hay’adda SoDMA.
Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Gargaar ka Maamulada Galmudug, Hirshabelle, Waqooyi Bari, iyo gobolka Banadir ayaa diiradda lagu saaray hindisaha caalamiga ah ee “Early Warning for All”, kaas oo ujeeddadiisu tahay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay sanadka 2027 helaan digniin hore oo la xiriirta khataraha cimilada iyo masiibooyinka dabiiciga ah, si loo yareeyo khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed.
Intii uu socday kulanku , waxaa la isla qaatay in la dhiso nidaam qaran oo isku dhafan oo digniinta hore ah, lana xoojiyo wada-shaqeynta u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamul-goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banadir iyo hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA). Sidoo kale, kulanka ayaa lugu adkeeyay muhiimadda ay leedahay adeegsiga fariimaha gaagaaban (SMS), warbaahinta iyo baraha bulshada, iyadoo fariimaha digniinta hore lagu gudbinayo af-Soomaali cad oo si fudud loo fahmi karo.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulanka ku faahfaahiyay Qorshe Qaran oo lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna xoojinayo nidaamyada digniinta hore ee dalka, si loo dhiso bulsho adkeysi u leh khataraha cimilada iyo masiibooyinka dabiiciga ah.
0 Comments