
Hay’adda SoDMA oo magaalada Kigali kaga qaybgashay kal-fadhigii 15aad ee shirweynaha sanadlaha ah oo ay isugu yimaaddaan wadamada xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity (ARC)
Bogga HoreWararka Hay’adda SoDMA oo magaalada Kigali kaga qaybgashay kal-fadhigii 15aad ee shirweynaha sanadlaha ah oo ay isugu yimaaddaan wadamada xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity (ARC)

Waxaa magaalada Kigali ee xarunta dalka Rwanda ka furmay kal-fadhigii 15aad ee shirweynaha sanadlaha ah oo ay isugu yimaaddaan wadamada xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity (ARC) oo qaaradda Afrika u qaabilsan arrimaha Maareeynta Khataraha Musiibooyinka. Kal-fadhiga shirka qeeybtiisa farsamada ayaa waxaa lugu falanqeeyay arrimaha ay ka midka yihiin:
(1)- Doorashada gudoonka kalfadhiga 15aad ee sanadkan 2025
(2)- Doorashadda madaxtinnimadda Hay’adda ARC ee afarta sano ee soo socota
Waxaana sidoo kale isla shirka qeeybtiisa farsamo lugu go’aamiyay go’aammo farsamo oo la hordhigayay madaxda hay’addaha wadamadda xubnaha ka ah oo uu qeeyb ka ahaa Gudoomiyaha hay’adda SoDMA mudane Maxammud Macallim Cabdulle.
Dhinaca kale waxay hay’adda SoDMA qeeb ka ahayd dooda shir-madexeedka lagu ayidayay ajandayaasha iyo warbixinta muhiimka ah ee shirarkii heer farsamo ee kan ka horeeyay lugu falanqeeynayay, waxaana ajandayaashaas ugu muhiimsanaa soo jeedinta ah in la iska kaashado arrimaha la tacaalidda abaaraha qaarada Afrika ku soo laalaabtay.
Dhinaca kale gaba-gabadii shirka waxaa khudbado kala duwan halkaas ka soo jeediyay madaxdii shirka ka soo qeeybgashay, waxaana halkaas khudbad dhinacya badan taabaneeysa ka soo jeediyay Gudoomiyaha hay’adda SoDMA mudane Maxamuud Macalin Abdulle.
Emergency
Fo Emergency Services
In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123
Somali Police
442
National Emergency
567
Fire FightersDhacdooyinka soo socda
Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka
Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan
Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.
0 Comments