JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Hay’adda SoDMA iyo ay’adda Isgaarsiinta Qaranka aqoon-is-weydaarsi heer sare oo diiradda lagu saarayo siyaasadda iyo qaab-dhismeedka nidaamka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah

Bogga HoreWararka Hay’adda SoDMA iyo ay’adda Isgaarsiinta Qaranka aqoon-is-weydaarsi heer sare oo diiradda lagu saarayo siyaasadda iyo qaab-dhismeedka nidaamka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah

April 29, 2025

Drr | News

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa ka qeyb-galay furitaanka aqoon-is-weydaarsi heer sare ah oo soconaya muddo laba maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayo siyaasadda iyo qaab-dhismeedka nidaamka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah iyo Nidaamka Digniinta Hore ee Taleefannada Gacanta (CB-EWS).
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa qeyb ka ah Tiirka 3aad ee hindisaha “Digniinta Hore ee Loo Dhan Yahay” EW4ALL, waana dadaal wadajir ah oo ay hormuud u yihiin Hay’adda SoDMA oo Dowladda Soomaaliya masuul kaga ah howlaha digniinta hore isla-markaana hore u soo qabatay tiirarkii 1-aad iyo 2-aad ee hindisaha iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo tiirka 3-aad soo qaban-qaabisay.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa si rasmi ah u furay aqoon-is-weydaarsigaan oo ay ka soo qeyb galeen daneeyayaal muhiim ah Sida; shirkadaha isgaarsiinta, bixiyeyaasha internetka iyo hay’ado kale oo dowladeed.
Inta lagu jiro aqoon-isweydaarsiga, waxaa si qoto dheer looga doodayaa xeerarka iyo shuruucda farsamo ee nidaamka CB-EWS, wadashaqaynta hay’adaha kala duwan, iyo qorshaha mideysan ee lagu hirgelinayo nidaamkan si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideysato digniino hore oo waxtar leh marka ay timaado xaalad degdeg ah

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.