JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Hay’adaha SoDMA iyo FAO oo digniin ka soo saaray cimilada Guga 2025

Bogga HoreWararka Hay’adaha SoDMA iyo FAO oo digniin ka soo saaray cimilada Guga 2025

January 23, 2025

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Hey’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay si degdeg ah uga diyaar garoobaan cawaaqibka ka dhalan kara roob yarida la filayo xilliga Guga 2025.Baaqan ayaa lagu soo jeediyay shirkii 69-aad ee Greater Horn of Africa Climate Outlook Forum (GHACOF 69) oo dhawaan lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaas oo ay ka qeybgaleen khuburo cimilada ku takhasusay, wakiillo ka socday dowladaha gobolka, iyo hay’ado caalami ah.

Xaaladda Cimilada iyo Saameynta Laga Filayo

Warbixin laga soo saaray shirkaas ayaa tilmaamaysa in Soomaaliya ay wajahayso xaalado dhanka cimilada ah oo adag, iyadoo saadaashu muujinayso in:

  • Roobabka Guga 2025 ay noqon doonaan kuwa hooseeya.
  • Heerkulka oo sareeyo, taasoo sii xumeyn karta xaaladda nololeed.
  • Roobabku ay goor dambe curan karaan, iyadoo la filayo in wakhtiga roobka uu soo gaabto.

Waxay arrintani uga sii dareysaa xaaladda adag ee ay Soomaaliya mar horeba la daalaa-dhaceysay, maadaama xilligan Jiilaalka uu dhulka yahay mid aad u qallalan, halka roobabkii Deyrta ee 2024 ay si aan sinnayn uga da’een gobollada dalka.

Dhibaatooyinka Laga Cabsi Qabo

  • Marka la eego xilli roobaadki Dayrta ee la soo dhaafay Inta badan gobollada dalka waxaa ka jiray roobab aan xaddigoodu isku dheelitirnayn, iyadoo meelo ka mid ah gobollada waqooyi (Somaliland) ay heleen roobab ka badan xaddiga caadiga ah, halka gobollada kale ee dhaca Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubaland, iyo Puntland ay la kulmeen roobab aad uga hooseeya heerka caadiga tusaale; Dangoryo waxaa ka da’ay kaliya 7% bar-tilmaameedkii roobab ee la filayay. Taasi waxa ay saamayn taban ku yeelatay beerashada, khayraadka biyaha iyo guud ahaan ilihii nolosha.

Talooyinka SoDMA iyo FAO

Si looga hortago xaaladahaas adag, SoDMA iyo FAO waxay soo jeediyeen qorshayaal muhiim ah oo lagu xoojinayo diyaargarowga hore (Anticipatory Action), kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  • Biyaha: Xoojinta kaydinta biyaha, nidaamyada waraabka, iyo kor u qaadista wacyigelinta bulshada si looga hortago biyo yaraanta.
  • Beeraha iyo xoolaha: Bixinta macluumaadka saxda ah ee ku saabsan xilliga roobka iyo talooyin ku aaddan dalagyada u adkeysan kara roob yarida. Sidoo kale, in si degdeg ah loo fuliyo tallaalka xoolaha.
  • Caafimaadka: Wacyigelinta bulshada si looga hortago cudurrada la xiriira kuleylka iyo biyo yaraanta, iyo adkeynta nidaamyada caafimaadka si ay ula tacaalaan xaaladaha degdegga ah.
  • Gargaarka Bini’aadantinimo: In si degdeg ah loo diyaariyo gargaar degdeg ah, lagana sii shaqeeyo qorshayaasha wax looga qabanayo xaaladaha ka dhasha roob yarida iyo cunto la’aanta.

SoDMA iyo FAO ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada, beesha caalamka, iyo hay’adaha gargaarka inay si wadajir ah uga shaqeeyaan wax ka qabashada dhibaatooyinka la filayo.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.