Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xurunta Hay’adda ku qaabbilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) Soomaaliya, Mudane Hameed Nuru.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan u-diyaargarowga iyo ka-jawaabista deg degga ah, dhisidda adkeysiga bulshada, iyo horumarinta nidaamyada digniinta hore. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo falanqaynta Nidaamka Kala Saarista Heerarka Sugnaanta Cuntada (IPC).
WFP ayaa sidoo kale soo bandhigtay Qorshiheeda Istaraatiijiyadda Dalka ee 2026–2028, taasoo la jaanqaadaysa qorshayaasha horumarineed ee dowladda.
Ugu danbeyn Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay WFP taageerada joogtada ah iyo wada-shaqeynta dhow ee ay la leedahay hay’adda, isaga oo adkeeyay in la sii xoojin doono iskaashiga si loo gaarsiiyo gurmad wax ku ool ah dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay.








0 Comments