Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa fadhiga 4-aad meertada 9-aad ee Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage kaga qeyb-galay dood-cilmiyeed (Panel Discussion) ku saabsan xaaladda bani’aadannimo ee dalka, gaar ahaan khataraha abaaraha ee isa soo taraya ee saameynaya nolosha bulshada Soomaaliyeed.
Doodda ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay caqabadaha ka dhashay hoos u dhaca weyn ee ku yimid kaalmadii bani’aadannimo iyo deeqihii gargaar ee caalamka, taas oo si toos ah u saameysay adeegyada badbaadinta nolosha, wax ka qabashada musiibooyinka dabiiciga ah, iyo taageerada dadka nugul.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa madasha ka jeediyay aragtiyo iyo talooyin ku saabsan sida looga hortagi karo khatarahaasi, loona xoojin karo wada shaqeynta hay’adaha dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay, iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo helo xalal waara oo wax ku ool ah.








0 Comments