JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay sii xumaanshaha xaaladda abaarta dalka.

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay sii xumaanshaha xaaladda abaarta dalka.

Guddoomiyaha Hayda’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada Soomaaliya uga warbixiyay Xaaladda Abaareed Ee Dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigay warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda abaarta, taas oo muujisay in abaartu si degdeg ah uga sii dartay kadib markii Lawaayay roobabkii Deyrta 2025 iyo xilliyaal roob-yari ah oo isdaba joog ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in 4.7 milyan qof ay abaartu saameysay, halka 1.73 milyan qof oo ku nool 11 Gobal iyo deegaanadda Hoos yimaada kuwaas oo kala ah Gobalada Gedo,Hiiraan,Bay,Bakool,Galgaduud,Mudug,Sool,
Sanaag,Togdheer,Awdal iyo Jubbada Hoose ay ku sugan yihiin xaalad halis ah oo gaaraya heerka Degdeg ah.

Sidoo kale, waxaa la saadaalinayaa in xaaladdu ay gaarto heerkeeda ugu sarreeya inta u dhaxaysa Diseembar 2025 ilaa Maarso 2026, sababo la xiriiran filashada Jilaal kulul iyo xaalad qalalan kuwasoo sababay hoos u dhac ku yimid heerarka wabiyada, wax-soo-saarka beeraha oo liita, iyo daaqa xoolaha oo sii xumaanaya.

Golaha Wasiirrada ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay qaadista tallaabooyin degdeg ah, maadaama haddii aan si dhaqso ah wax looga qaban, la filayo in 7.1 milyan qof ay u baahdaan gargaar cunto iyo nolol-maalmeed inta u dhaxaysa Febraayo ilaa Abriil 2026.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa faray hay’adaha ay khuseyso in la dardargeliyo isku-duwidda jawaabta qaranka, lana xoojiyo wada-shaqeynta dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo yareeyo saameynta abaarta loona badbaadiyo nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.