Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa caawa ka qeyb galay daah-furka meertada 9-aad ee Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage.
Madasha ayaa sanadkaan dib loogu eegayaa go’aannadii ka soo baxay Madashii Aragti-wadaagga ee la qabtay 2020, iyada oo laga doodayo jaangoynta yoolalka Soomaaliya ee 2026–2030.








0 Comments