JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Maanta kulan la yeeshay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley IV, kaasoo ka dhacay Safaaradda Maraykanku ku leeyahy magaalada Muqdisho.

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Maanta kulan la yeeshay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley IV, kaasoo ka dhacay Safaaradda Maraykanku ku leeyahy magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaqiijinta iskaashi bani’aadannimo oo wax-ku-ool ah, xilli Maraykanku ahaa deeq-bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya dhinaca gargaarka tobankii sano ee la soo dhaafay, isagoo bixiyay in ka badan USD 7 bilyan oo gargaar iyo kaalmo horumarineed ah.

Intii lagu jiray abaartii ba’nayd ee 2022, Maraykanku wuxuu bixiyey USD 1.3 bilyan oo degdeg ah, oo ay ku jiraan in ka badan USD 700 milyan oo gargaar bani’aadannimo toos ah, taas oo door muhiim ah ka qaadatay ka hortagga macluul iyo in degdeg looga jawaabo saamaynti darnayd ee abaarta.

Kulanka ayaa sidoo kale xoogga lugu saaray sidii Washington, D.C mar kale door muuqda uga qaadan lahayd iskaashiga lagu wajahayo abaarta hadda ka taagan dalka iyo caqabadaha bani’aadannimo ee sii kordhaya.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin ayaa safaaradda iyo Dowladda Maraykanka uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ku aaddan howlgallada bani’aadannimo iyo guud ahaan dadaallda muddada dheer ah ee geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.