JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddiga Gurmadka Qaran oo yeeshay kulan degdeg ah oo looga hadlay xaaladda abaarta.

Bogga HoreWararka Guddiga Gurmadka Qaran oo yeeshay kulan degdeg ah oo looga hadlay xaaladda abaarta.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka ahna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa guddoomiyay kulanka degdegga ah ee Guddiga Gurmadka Qaran, kaas oo looga hadlayay xaaladda abaarta ka jirta dalka.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Jama Gani, Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Aamin Sheekh, mas’uuliyiin heer federaal ah, madax kale oo dowladeed, culimo, iyo ganacsato, kuwaas oo dhammaantood muujiyay doorkooda ku aaddan gurmadka iyo taageerada dadka ay saameysay abaartu.

Intii uu socday kulanka, waxaa lagu soo bandhigay warbixinadii ugu dambeeyay ee xaaladda abaarta dalka, kuwaas oo muujinaya in abaartu gaartay heer aad u liita, isla markaana saameyn ba’an ku yeelatay nolol-maalmeedka bulshada, nolosha dadka iyo xoolaha.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qaybgalay ayaa adkeeyay baahida loo qabo dardargelinta gurmadka qaranka, xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda, culimada, iyo ganacsatada, si si degdeg ah oo wadajir ah wax looga qabto saameynta abaarta loona badbaadiyo bulshada nugul.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in la gaaray waqti adag oo nolosha dadka iyo xoolaha halis ku jirto, isagoo ku baaqay in qof walba ka qeyb qaato gurmadka degdegga ah, gaar ahaan ururinta taageero dhaqaale iyo naf-badbaadin.

Ugu Danbeyn, Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaran ahna Wasiirka Waxbarashada, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa ku celiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya go’aankeeda ah in mudnaan gaar ah siiso gurmadka abaarta, isla markaana ay sii wadi doonto dadaallada qaran iyo kuwa caalami ah ee lagu yareynayo saameynta masiibooyinka dabiiciga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkaysay in iskaashiga hay’adaha dowladda, culimada, ganacsatada, iyo bulshada rayidka ah uu yahay furaha lagu badbaadin karo nolosha dadka iyo xoolaha ay saameysay abaarta.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.