Muqdisho, Khamiis, 05 Febraayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda abaarta ee ka jirta guud ahaan dalka iyo saameynta ay ku yeelatay helitaanka biyaha iyo cuntada, iyada oo Xukuumaddu qorshaynayso tallaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo xaaladda taagan.
Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay Xeer-Nidaamiyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khataraha iyo Musiibooyinka, kaas oo dejinaya hannaan sharci iyo maamul oo mideynaya diyaar-garowga, ka-hortagga iyo wax ka qabashada musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bini’aadamku sababo. Ujeeddada guud ee xeer-nidaamiyahan ayaa ah xoojinta iskaashiga dowladda iyo bulshada si si hufan looga jawaabo khataraha iyo musiibooyinka.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ka qaybgalay kulanka Golaha Wasiirrada, ayaa uga mahadceliyay Golaha ansixinta Xeer-Nidaamiyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khataraha iyo Musiibooyinka, isagoo tilmaamay muhiimadda uu u leeyahay xoojinta awoodda dalka ee ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Golaha Wasiirrada ka hor faahfaahiyay xaaladda abaarta daran ee dalka ka jirta iyo saameynta ba’an ee ay ku yeelatay nolol-maalmeedka shacabka, gaar ahaan helitaanka biyo nadiif ah iyo cunto, isaga oo xusay baahida loo qabo dardargelinta dadaallada gurmadka degdegga ah.








0 Comments