Waaxda Xiriirka iyo ICT
Hordhac
Waaxda Xirirka iyo ICT-da waxay mas’uul kaga tahay Hay’adda SoDMA xiriirka gudaha iyo midka ka baxsan hay’adda ( Internal and External Communications), sidoo kale waaxda ayaa u qaabilsan hay’adda hawlaha la xariira tignoolajiyadda.
Hay’adda SoDMA Qaybta xiriirka (Communications) waax ay hormuud u tahay horumarinta xalal casri ah oo dhanka isgaarsiinta howlaha xiriirka guud ee Hay’adda, si maalinle ah, toddobaadla ah iyo bille ah u soo bandhigtaa howlaha, siyaasadaha, barnaamijyada, qorshayaasha, digniinha, kulamada guud, hay’adda SoDMA iyada oo adeegsanaysa hababka kala duwan ee wax lagu gudbiyo sida :
- War-saxaafadeed
- Whirarka jaraa’id
- Maqaalo
- Warbixino,muuqaalo iyo sawiro
Himilo (Vision)
Inay noqoto waax hormuud u ah horumarinta xalal casri ah oo dhanka isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda ah, kuwaas oo kor u qaada hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo wada shaqeynta gudaha hay’adda iyo la-hawlgalayaasha dibadda.
Hawlgal (Mission)
Waaxda Inay bixiso istiraatiijiyado wax-ku-ool ah oo dhanka isgaarsiinta gudaha iyo dibadda ah, iyo adeegyo ICT oo la isku halleyn karo, kuwaas oo taageera yoolalka hay’adda, fududeeya is-weydaarsiga xogta waqtigeeda, isla markaana hormariya isbeddelka dhijitaalka ah iyada oo la adeegsanayo nidaamyo casri ah oo ammaan ah.
Waajibaadka waaxda ICT iyo Isgaarsiinta waxaa ka mid ah
- Soo saarista warbaahinta hay’adda
- Faafin wararka iyo hawlaha hay’adda
- Ka hortagga iyo kormeerka xogta qaldan
- Keydinta Xogaha iyo alaabta hay’adda
- Naqshadeyn buuxda iyo daabacaadda agabyada shirarka guud ee SoDMA
- Rakibida, sugidda, iyo ilaalinta dhammaan qalabka ICT iyo software-ka ay isticmaasho hay’adda SoDMA
- Xalinta Caqabadaha dhammaan qalabka teknoolojiyadda ee hay’adda SoDMA
- Ilaalinta amniga baraha bulshada ee ay isticmaasho hay’adda
- Maareynta daabacaadda iyo ilaalinta xogta aqoonsiga hay’adda SoDMA.
- Maareynta iyo maamulka email-da SoDMA eeku abtirsada gov.so




