Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha
Hordhac Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha
Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Waa waxda iska leh shaqaaleynta, xulashada, kala wareejinta, iyo maaraynta shaqaalaha Hay’adda. Ujeeddada ugu weyn Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha waa in ay caawiso Hay,adda si uu u gaarto yoolkeeda iyadoo la hubinayo in ay haystaan dadka saxda ah, leh xirfadaha saxda ah, isla markaana jooga boosaska saxda ah.
Himilada Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha
In la dhiso shaqaale xirfad leh, dhiirrigelin badan leh, oo adkaysi u leh xaaladaha adag, kuwaas oo horseeda heer sareynta maareynta musiibooyinka, iyagoo adeegsanaya hal-abuur, daacadnimo, iyo u heellanaan adeegga dadweynaha.
Hadafka Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha
In la soo jiito, la horumariyo, lana hayo shaqaale xirfad leh oo u heellan, si ay u taageeraan himilada hay’adda ee ku aaddan diyaarinta, ka jawaabidda, iyo soo kabashada musiibooyinka, iyadoo la adeegsanayo habab kheyraad aadanaha oo hufan oo daahfuran
Waajibaadka Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha
Waajibaadka Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha waa in la qorsheeyo, la horumariyo, lana maareeyo Shaqaalaha ee Hay’adda si hufan loo gaaro yoolalka Hay’adda.
Qaab-dhismeedka Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha
Qaab-dhismeedka Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha wuxuu tilmaamayaa sida masuuliyadaha Shaqaalaha loogu habeeyey gudaha Hay’adda. Waxyaabaha ay ka koobnaan karto waxaa ka mid ah:
- Madaxa Qaybta Shaqada iyo Shaqaalaha – Shaqaaleynta iyo Xulashada: In la shaqaaleeyo dadka ku habboon shaqooyinka saxda ah.
- Madaxa Qaybta Tababarka – Tababarka iyo Horumarinta: In la horumariyo xirfadaha iyo koritaanka shaqaalaha.
- Madaxa Qaybta Waxqabadka – Maareynta Waxqabadka: In la dabagalo lana wanaajiyo waxqabadka shaqaalaha.
- Madaxa Qaybta Xiriirka Shaqaalaha – Xiriirka Shaqaalaha: In la dhiirrigeliyo xiriir wanaagsan oo u dhexeeya shaqaalaha iyo maamulka.
- Madaxa Qaybta U Hoggaansanaanta – U Hoggaansanaanta (Cabashada): In la hubiyo in dhammaan hawlaha shaqaalaha ay u socdaan si waafaqsan sharciyada shaqada iyo siyaasadaha Hay’adda.