JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Sugnaanta Cuntada

Hordhac

Sida ku xusan Qaanuunka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya No. 17, oo la ansixiyay 2016 iyo Istaraatiijiyadda Horumarinta SoDMA 2024-2029, “Sugnanata Cuntada iyo Ilaalinta Bulshada” waa waax hogaaminaysa oo si firfircoon uga qayb qaadata bixinta iyo isku dubaridka cunto suguan oo nafaqo leh iyo caawimaad nafaqo oo loogu talagalay dadka/Bulshada nugul oo ay ku jiraan carruurta iyo haweenka uurka leh ee ay saameeyeen isbeddelada cimilada iyo colaadaha si loo la dagaallamo nafaqo-darrada loona hortago khasaaraha nolosha. Waxaa sidoo kale waxaada qabataa barnaamijyo ilaalin bulsho oo loogu talagalay dadka ay soo wajahaday cunto yarida joogto ah iyada oo la adeegsanayo bixinta lacago (Cash Transfer) fursad u siinaya qoysaska nugul inay iibsadaan cunto iyo agab kale oo ka soo iibsadaan suuqyada maxalliga ah si loo yareeyo saameynta isbeddelada cimilada iyo colaadaha sida Barnaamijka Badbaadada Gaajada (HSNP) iyo Barnaamijka Badbaadada Qaranka (NSNP). Intaas waxaa dheer, si looyareeyo saameynta dhibaatooyinka cunta yarida iyo nafaqo darrada waxay waaxdu  bixisaa xogo  ballaaran oo waxtar leh  si loo helo go’aan ka wanaagsan oo ku saabsan cunto la’aanta Degdega ah, nafaqo-darrada dalka iyo in la helo macluumaad sax ah oo ku saabsan abaaraha si loo helo nidaam ka hortag ah oo wanaagsan si loo gaaro jawaab waqti hore ah (Early Warning for Early Action).”

Himilo

In aan gaarno dalkeenna dhamaantiis iyo gaar ahaan dadkeena nugul, ay helaan nidaamyada ilaalinaya bulshada oo dhameystiran oo kor u qaada sharafta, amniga iyo adkaysiga bulsho iyagoo haysta fursad ay ku xaqiijinayaan heliida cunto sugan oo nafaqo leh iyo nidaamyada ilaalinta bulshada marka ay kujiraan xaalada adag iyo ka hor xaaladdaasba  si ay u awoodaan inay noolaadaan nolol caafimaad leh oo wax soo saar leh.

Hadafka

In aan kor u qaadno sugnaanta cuntada oo aan dhiirrigelino ilaalinta bulshada iyada oo la hirgelinayo siyaasadaha iyo barnaamijyada ka qayb qaata helitaanka kheyraadka si siman, taageeraya dadka nugul, iyo korna u qaadaya xal waara oo nalisha ah u . si loogharo hadafjkaas waxaay waaxda lasameeyneysaa iskaashi daneeyayaasha heer kasta si loo  abuurno bulshooyin adkeysi leh iyo in la ciribtiro gaajada.

Qeybta Sugnanata cunata ka Cuntada

Hadafyada:

In la bixiyo oo la isku dubarido gargaar cunto oo loogu talagalay dadka iyo bulshooyinka nugul, oo ay ku jiraan carruurta iyo haweenka uurka leh, ee ay saameeyeen dhibaatooyinka dabiiciga ah (Natural Disaster) iyo khilaafaadka si looga hortago khasaaraha nololeed.

Doorka iyo Mas’uuliyadaha:

  • Ka shaqeynta iyo dejinta nidaam isku xiran oo loogu talagalay caawinta cuntada ee bulshooyinka nugul ee ay saameeyeen isbadalka cimilada ah iyo khilaafaadka, iyadoo lala shaqeynayo hay’adaha dowladda, NGO-yada iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.
  • Dib u soo celinta iyo xoojinta awoodaha, iyo istaraatiijiyada bulshada iyo qoysaska si loo hagaajiyo sugnaanta cuntada inta lagu jiro marxaladaha soo kabashada.
  • La shaqeynta la-hawlgalayaasha dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn si loo xalliyo halista cunta yarida degdegga ah iyo midka joogtada ah iyadoo la kormeerayo oo la falanqeynayo isbeddellada helitaanka, isticmaalka, iyo diyaarinta cuntada.
  • Kasbashda Saamileyda Muhiimka ah: Khariidaynta hay’adaha dowladda, NGO-yada, machadyada tacliinta sare, iyo ururada bulshada ee ku hawlan sugnaanta cuntada iyo nafaqada.
  • Dhisidda Awoodda: Tababarka saamilayda maxalliga ah sida farsamooyinka ururinta xogaha sugnanata cunt aiyo nafaqada iyo falanqayntoodaba.
  • Uruurinta Xogta: Ururinta xog dhamaystiran oo kusaabsan sugnaanta cuntada aiyo naqafada ayadoo laraacayo habka hagayaasha lagu uruuriyo xogaha sugnaanta cuntada iyo nafaqada.
  • Falanqayn iyo Warbixin: Falanqaynta xogta si loo soo saaro warbixino waxtar u leh ka go’aan gaarsita xaalada sugnaanta cuntada iyo nafaqada ee dalka.
  • Wadaagista Macluumaadka: Baahinta xoagaha sugnaanta cunt aiyo nafaqafa ayadoo lala wadaagayo dhaman daneeysha sdia doowladda qaybheeda kala duwana, deeqbiyaasha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba, ayadoo loogaarsiinayo qaab hor udigis ah si looga hortago khatarta cunta yarida iyo nafaqada darida soo wajahan, si degdeg ahna waxlooga qabto.
  • Kor u qaadista dhisidda awoodda, wacyigelinta iyo u doodista muhiimada sinnaanta jinsiga ee sugnaanta cuntada

Qaybta Nafaqada:

Hadafka:

Bixinta iyo korjoogteeynta adeeg  nafaqo oo waxtarka u leh  bulshooyinka nugul si loo badbaadiyo, gaar ahaan dadka ugu nugul sida carruurta iyo haweenka uurka leh ee ay saameeyeen isbeddelada cimilada iyo khilaafaadka bulshada sida baracaka colaadaha.

Doorka iyo Mas’uuliyadaha:

  • Sameeynta qiimeyn degdeg ah si loo ogaado xaaladda nafaqada ee bulshooyinka ay saameeyeen aboofooyinka dabiiciga ah (natural disaster)iyo kuwa ay aadanaha sababeen (Man made disasters).
  • Dhisidda hab wadatashi ayadoo la aqoonsanayahay saamileeyda muhiimka ah sida khariidaynta hay’adaha dowladda, NGOs, jaamacadaha, iyo ururada bulshada ee ku lug leh dhaqdhaqaaqyada nafaqada.
  • Dhisida Aqoonta; Tababaro daneeyayaasha maxalliga ah ee ku saabsan farsamooyinka uruurinta iyo falanqaynta xogaha nafaqada.
  • Ururinta Xogta; Uruurinta xog dhameystiran oo ku saabsan amaanka nafaqada.
  • Falanqaynta iyo Warbixinta; Falanqee xogta nafaqada si loo soo saasro warbixino wax tar u leh ku go’aan qaadashadooda.
  • Wadaagida Macluumaadka; Siinta xogaha nafaqada wadanka dhamaan adaneeyayaasha, oo ay ku jiraan siyaasiyiinta, NGOs, Hay’adaha Qaramada Midoobay, Cilmi-baadheyaasha, iyo daabacaadda Digniino hore oo la xiriira xaaladda nafaqo darada dalka.
  • Horumarinta barnaamijda nafaqeeynta bvulshada nugul ayadoo xilli munaasab ku ah loo diyaar garoobayo lana qaybinaya xilliga ugu mudan ee ay u baahantahay bulshada aya soo food saaratay nafaqo darrida.

Qaybta Taakulada Hab Nololeedka iyo Dadka nugul

Hadafka:

Ka Hortagga, Isku Xirnaanta iyo Hirgelinta Barnaamijyada Nololeed Si loo xoojiyo nolol-maalmeedka, waxaay waaxda bixisaa aqoon iyo xirfado muhiim ah abuurista ilo  dakhli oo waara si loo adkeeyo awoodaha shaqsiyadeed iyo qoysas oo ay ku kasbadaan nolol-maalmeedkooda si ay u gaaraan isku filnaasho. Tani waxay khusaysaa dadka si joogto ah u haysta cunto yari, iyadoo la hagaajinayo hab bixinta lacagaha tooska ah oo ay awood u siineyso qoysaska nugul inay ka iibsadaan cunto iyo baahiyo kale suuqyada maxalliga ah si loo yareeyo saameynta shoogagga cimilada. Tusaale ahaan, Barnaamijka Badbaadada Gaajada (HSNP) oo bixiya lacagta caawimada ee qoysaska saboolka ah ee dalka, iyo Barnaamijka Badbaadada Qaranka (NSNP) oo bartilmaameedsada kooxaha nugul sida carruurta aan waalidka lahayn, carruurta nugul, iyo dadka waaweyn.

Doorka iyo Mas’uuliyadda:

  • Horumarinta iyo Hirgelinta Istaraatijiyado Qaran iyo qaab-dhismeedka sharciyeed ee oo hagayo habka soo xulista iyo aqoonsashada dadka nugul iyo noocyada shoogagga ay u nugul yihiin.
  • Bixinta lacagta aan shuruudda lahayn oo lasiinayo qoysaska saboolka ah iyo kuwa nugul ee uu saameeyay shooga.
  • Taageerida qoysaska si ay u uaga faaideeystaan , una maareeyaan kheyraadka dabiiciga ah si waara, si looga hortago khatar noleed kasta oo soo wajihikara .
  • Taageerida bulshooyinka inay diyaar garoobaan, yareeyaan, oo ay ka soo kabtaan saameynta shoogagga dabiiciga ah iyo kuwa bini’aadamka.
  • Sameeynta qiimeyn dhibaatooyinka si loo ogaado dadka halista ku jira ee u nugul aafooyinka daciigiga ah iyo kuwo aadannaha keenaan
  • Dib u soo celinta iyo xoojinta awoodaha  iyo istaraatiijiyada bulshada iyo qoysaska si loo hagaajiyo nolol-maalmeedka intii lagu jiray marxaladda soo kabashada aafooyinka.
  • Bixinta aqoon iyo tababaro xirfadeed kuwaas oo abuuraya fursad ilo dakhli waara si loo xoojiyo awoodaha shaqsiyadeed iyo midda bulsho taas u suugalineeysa in ay  kasbadaan nolol-maalmeedkooda is-caadi ah.
  • Kor u qaadista iyo abuurita fursado dakhli oo lajaanqaadatya habnoleedka reer miyiga kuwaas oo ah kuwo u nugul aafooyinka dabiiciga ah iyo kuwo aadanaha..
  • Dhiirrigelinta siyaasadaha ka hortagaya waxyaabah riixa in ay xaaladdada nuglaasha ay noqoto mid sii cuslaata sida   sida saboolnimada, sinnaan la’aan, iyo isbedelka cimilada iyadoo la kaashanaya hay’adaha dowladda, NGO-yada, iyo hay’adaha UN iyo Ururada bulshada Rayidka ah.
  • Kordhinta wacyiga ku saabsan istaraatiijiyadaha ka jawaabista shoogagga iyadoo la sameynayo aqoon-is-weydaarsiyo iyo is dhex gal bulsho.