Unugga Sharciga ee Hay’add Mareeynta Musiibooyinka
Hordhac
Unugga Sharciga ee Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed waxa ka go’an in dhammaan howlaha, iyo iskaashiyada ay hey’addu sameyso loo fuliyo si buuxda oo waafaqsan shuruucda dalka, halbeegyada bani’aadannimo ee caalamiga ah, iyo waajibaadka xuquuqda aadanaha. Unugga waxa uu bixiyaa talo sharciyeed, taageero iyo hagitaan nidaamyo sharci oo la xiriira yareynta halista musiibooyinka, ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah, soo kabashada, iyo dhisidda adkeysiga bulshooyinka. Waxa uuna xaqiijiyaa in xeerar sharciyeed sax ah ay u diyaar yihiin shaqaalaha maareynta musiibooyinka si ay u helaan awood sharciyeed oo dhammeystiran loona ilaaliyo bulshada saameynta la kulantay, iyadoo sidoo kale la horumarinayo isla xisaabtanka isticmaalka kheyraadka.
Aragtida
In uu noqdo Unug sharciyeed firfircoon oo lagu kalsoon yahay, ilaaliyana dhammaan xuquuqda daneeyayaasha, kana shaqeyo xaqiijinta hufnaanta sharciyeed ee barnaamijyada maareynta musiibooyinka.
Hiigsiga
In uu bixiyo la-talin sharciyeed heer sare ah, dejiyana xeerar sharciyeed xooggan, islamarkaana xaqiijiyo u hoggaansanaanta heerarka sharciyeed iyo anshaxa dhammaan siyaasadaha, barnaamijyada, iyo howlaha la xiriira maareynta musiibooyinka.
Waajibaadka
Unugga Sharciga waxaa loo xilsaaray inuu qabto howlahan soo socda:
- Bixinta talo sharciyeed la siiyo maamulka iyo dhammaan kooxaha hawlgalka ee hey’adda.
- Qorista, dib-u-eegista, iyo cusboonaysiinta dukumiintiyada sharciga ah, oo ay ku jiraan xeerarka maareynta musiibooyinka, xeer-nidaamiyeyaal, heshiisyo, qandaraasyo, iyo siyaasado.
- Fududeynta diyaar garowga sharciyeed ee ka jawaabista musiibooyinka, iyada oo si gaar ah loo eegayo ilaalinta dadka barakacay iyo kooxaha nugul.
- Hubinta in tallaabooyinka ay hey’addu qaadayso waafaqsan yihiin dastuurka, shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah.
- Matalaadda hey’adda dhanka dacwadaha iyo xiriirka lala yeesho hay’adaha garsoorka, booliiska, iyo hay’adaha kale ee sharciga marka loo baahdo.
- Dhiirrigelinta habab ku saleysan xuquuqda aadanaha iyo u doodista dib-u-habeyn sharciyeed kaas oo xoojinaya maamul wanaagga.
- Bixinta tababaro ku saabsan dhinacyada sharciga maareynta musiibooyinka iyo sharciga bani’aadanimada kuwaas oo la siinayo shaqaalaha iyo la-hawlgalayaasha.
Qaab-dhismeedka
Unugga Sharciga waxa uu hostagaa Xafiiska Guddoomiyaha ama Guddoomiye Ku-xigeenka waxana loo sameeyay bixinta adeeg hufan oo waxtar leh.
Qaab-dhismeedku wuxuu ka kooban yahay:
- Madaxa Unugga Sharciga / Lataliyaha Sharciga : Waa hogaamiyaha Unugga waxa uuna bixiyaa hagitaan sharciyeed istaraatiji ah kuna wajahan maamulka sare ee hey’adda, gaar ahaan arrimaha la xiriira maareynta musiibooyinka.
- Saraakiisha Sharciga : Waxay qabtaan howlo sharciyeed gaar ah sida qorista xeerarka, la socodka u hoggaansanaanta sharciga, sharciga la xiriira qandaraasyada, xuquuqda aadanaha, iyo maamulka.
- Falanqeeyaha Siyaasadda iyo Sharciyada : Waxa uu La socdaa horumarka sharciyeed, isla markaana diyaariyaa soo-jeedimo dib-u-habeyn sharciyeed ah, sidoo kale wuxuu sameeyaa qiimeynta saameynta sharciyada jira.
- Kaaliyeyaasha Sharciga : Waxa ay qabtaan taageerada cilmi-baarista sharciyeed, diyaariyaanta dukumiintiyo sharciyeed iyo fududeynta isku-xirka waaxaha gudaha iyo hay’adaha sharciga ee dibadda.
- Sarkaalka Isku-xirka (Garsoorka iyo Booliiska) : Waxa uu fududeeyaa wada shaqeynta u dhaxeysa hey’adda, garsoorka, iyo hay’adaha fulinta sharciga inta lagu jiro habraacyada sharciyeed ee la xiriira maareynta musiibooyinka.