Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa furay Shirka Guddiga Qaran ee Isu-duwidda Ka-Jawaabista Abaaraha Qaranka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu shirkan u leeyahay xoojinta isu-duwidda hayโadaha dowladda iyo saaxiibada baniโaadannimo si si wadajir ah looga jawaabo saameynta sii kordheysa ee abaaraha dalka ka jira.
Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA wuxuu tilmaamay in shirku yahay madal muhiim ah oo lagu mideynayo dadaallada, lagu wadaagayo macluumaad sax ah, laguna gaari karo goโaanno degdeg ah oo wax ku ool ah, si loo yareeyo saameynta abaaraha, loona badbaadiyo nolosha Bulshadda ay dhibaatadu saameysay.
Shirkaan waxaa ka qayb galaya hayโadaha dowladda iyo saaxiibada baniโaadannimo,sida, Agaasimeyaasha Guud ee hayโadaha dowladda, Xafiiska Raโiisul Wasaaraha (OPM), Hayโadaha Qaramada Midoobay (UN), iyo Xafiiska Isu-duwidda Arrimaha Baniโaadannimada (OCHA). Sidoo kale, waxaa joogay wakiillo ka socday hayโadaha kale ee dowladda (MDAs) iyo ururrada bahwadaagta la ah dowladda ee ka shaqeeya gargaarka iyo ka-jawaabista abaaraha.
Inta uu shirku socdo waxaa la soo bandhigayaa warbixinno la xiriira khataraha cimilada, falanqaynta IPC, dhaqdhaqaaqa dadka ee ay abaaruhu sababeen, iyo qorshaha guud ee ka-jawaabista Abaarta. Ka-qaybgalayaashu waxay ka doodi doonaan muhiimadda ay leedahay in la helo faham mideysan oo ku saabsan xaaladda taagan iyo in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin wax ku ool ah.
0 Comments