JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAYโ€™ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐๐š๐ฒ ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€, ๐๐š๐š๐ช ๐ƒ๐ž๐ ๐๐ž๐  ๐š๐ก๐ง๐š ๐ฎ ๐ƒ๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐.

Bogga HoreWararka ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐๐š๐ฒ ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€, ๐๐š๐š๐ช ๐ƒ๐ž๐ ๐๐ž๐  ๐š๐ก๐ง๐š ๐ฎ ๐ƒ๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta booqasho ku yimid Xarunta Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), waxa uuna kulan gaar ah kula qaatay Guddoomiyaha Hayโ€™adda Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.
Kulanka waxaa si qoto dheer diiradda loogu saaray xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, taas oo kusii baahaysa gobollada kala duwan ee dalka, islamarkaana saameyn xooggan ku yeelatay nolosha bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa Wasiirka siiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan heerka ay marayso abaarta, baaxadda saameynta ay ku leedahay shacabka, iyo baahida degdegga ah ee loo qabo gurmad baniโ€™aadannimo. Waxa uu tilmaamay in xaaladdu meelaha qaar gaartay heer halis ah, iyadoo qoysas badan ay wajahayaan cunto iyo biyo yari aad u daran.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaam Cabdi Cali, ah oo kulanka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo culimada, iney si mideysan uga qeyb qaataan gurmad degdeg ah oo loo fidiyo dadka ay abaartu saameysay, kuwaas oo noloshoodu halis ku jirto.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya waxay ku wargelisay dhammaan Safaaradaha iyo Hayโ€™adaha Caalamiga ah in Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ay tahay hayโ€™adda qaran ee keliya ee loo igmaday isku-duwidda, kormeerka, iyo maareynta dhammaan howlaha gurmadka iyo gargaarka baniโ€™aadannimo ee dalka. Sidaas darteed, dhammaan wada-shaqeynta iyo xiriirka la xiriira gargaarka waa in si toos ah loola yeeshaa SoDMA, si loo hubiyo hufnaan, wax-ku-oolnimo, ka hortagga wax is daba marinta , iyo in gargaarku si sax ah u gaaro dadka loogu talagalay.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.