JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAYโ€™ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐”๐Š ๐จ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ซ ๐ฅ๐š ๐๐š๐›๐ญ๐š๐ฒ ๐ƒ๐ž๐ž๐ช-๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ฌ๐ข ๐‹๐จ๐จ๐ ๐š ๐‰๐š๐ฐ๐š๐š๐›๐จ ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐ญ๐š.

Bogga HoreWararka ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐”๐Š ๐จ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ซ ๐ฅ๐š ๐๐š๐›๐ญ๐š๐ฒ ๐ƒ๐ž๐ž๐ช-๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ฌ๐ข ๐‹๐จ๐จ๐ ๐š ๐‰๐š๐ฐ๐š๐š๐›๐จ ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐ญ๐š.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Wasiiru Dowlaha Horumarinta Caalamiga ah iyo Arrimaha Afrika ee Dowladda Boqortooyada Ingiriiska, Marwo Baroness Chapman, ayaa si wadajir ah u shir guddoomiyay kulan fogaan arag ah oo ay ka qeybgaleen deeq-bixiyeyaal iyo hayโ€™ado caalami ah.

Shirkaan waxuu ku soo beegmay xilli Hayโ€™adda SoDMA ay waday dadaallo xooggan oo lagu wajahayo abaarta baโ€™an ee dalka ka jirta. Qiyaastii 6.5 milyan oo qof ayaa la ildaran cunto yari, halka in ka badan 2 milyan oo qof ay noloshoodu halis ku jirto, iyadoo nafaqo-darraduna sii kordhayso.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo warbixin ka jeediyay xaaladda biniโ€™aadannimo ee dalka, gaar ahaan saameynta abaarta daba-dheeraatay ay ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, shirka waxaa ka qeybgalay wakiillo ka socday Bangiga Adduunka, Midowga Yurub, OCHA, WFP, FAO, IFAD, Save the Children, Oxfam iyo CARE International, iyo hayโ€™ado kale oo daneeya arrimaha gargaarka biniโ€™aadannimo iyo horumarinta Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horraantii bishan Febraayo u gudbisay beesha caalamka qorshe dhammaystiran oo looga jawaabayo xaaladda abaarta, isla markaana lagu xoojinayo awoodda bulshooyinka ee u adkeysiga Musiibooyinka.

Ugu dambeyn, Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa soo xiray shirka, isagoo uga mahadceliyay dhammaan ka-qeybgalayaasha iyo deeq-bixiyeyaasha ballanqaaday maalgelinta qorshaha ka jawaabista cunno-yaraanta iyo nafaqo-darrada, kuna boorriyay in la dardargeliyo fulinta taageerada si loo xoojiyo gurmadka iyo horumarinta waarta ee dalka.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.