JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAYโ€™ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

๐Œ๐จ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‹๐š๐ ๐ฎ ๐—๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐ฎ-๐๐ฎ๐ฐ๐ข๐๐๐š ๐Š๐š-๐‰๐š๐ฐ๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š.

Bogga HoreWararka ๐Œ๐จ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‹๐š๐ ๐ฎ ๐—๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐ฎ-๐๐ฎ๐ฐ๐ข๐๐๐š ๐Š๐š-๐‰๐š๐ฐ๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š.
๐Œ๐จ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ โ€“ Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale, oo uu wehlinayay Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Moqdisho kusoo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isu-duwidda Ka-Jawaabista Abaaraha dalka, kaas oo muhiim u ah xoojinta isu-duwidda hayโ€™adaha dowladda iyo saaxiibada baniโ€™aadannimo, si si wadajir ah looga jawaabo saameynta sii kordheysa ee abaaraha dalka ka jira.
Shirkan waxaa ka qaybgalay hayโ€™adaha dowladda iyo saaxiibada baniโ€™aadannimo, oo ay ka mid yihiin: Agaasimeyaasha Guud ee hayโ€™adaha dowladda, Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha (OPM), Hayโ€™adaha Qaramada Midoobay (UN), Xafiiska Isu-duwidda Arrimaha Baniโ€™aadannimada (OCHA), wakiillo ka socday hayโ€™adaha kale ee dowladda iyo ururrada bahwadaagta la ah dowladda ee ka shaqeeya gargaarka iyo ka-jawaabista abaaraha ayaa ka qeybgalay.
Ugu horeyn, Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa tilmaamay in shirka uu ahaa madal muhiim ah oo lagu mideynayo dadaallada, lagu wadaagayo macluumaad sax ah, laguna gaarayo goโ€™aanno degdeg ah oo wax ku ool ah, si loo yareeyo saameynta abaaraha loona badbaadiyo nolosha bulshada ay dhibaatadu saameysay. Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay madaxdii shirka ka soo qeyb gashay, isaga oo ku adkeeyay iskaashi joogto ah iyo Wada-shaqeyn
Ugu dambeyn, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale, ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga hayโ€™adaha dowladda iyo la-hawlgalayaasha baniโ€™aadannimada, si loo helo jawaabo mideysan oo wax tar leh.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.