Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hayโadda ku qaabilay Masuuliyiin ka socday Hayโadda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) oo ay hoggaaminayeen Maxwell Sibhens iyo Etienne Peterschmitt.
Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda abaareed ee sii xoogeysanaysa iyo baahiyaha isa soo taraya ee ka jira dalka, kuwaas oo u baahan tallaabo degdeg ah oo wadajir ah. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta digniinaha hore, qaadista tallaabooyin ka hortag ah iyo dardar-gelinta gurmadka abaarta si loo badbaadiyo nolosha bulshada nugul.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda howlaha baniโaadannimo, si jawaabaha la bixiyo ay u noqdaan kuwo degdeg ah, mideysan, isla markaana waxtar leh.








0 Comments