JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAYโ€™ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐ฎ ๐’๐จ๐จ ๐—๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐‹๐š๐ ๐ฎ ๐ƒ๐š๐ซ๐๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐Š๐š-๐‰๐š๐ฐ๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š.

Bogga HoreWararka ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐ฎ ๐’๐จ๐จ ๐—๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐‹๐š๐ ๐ฎ ๐ƒ๐š๐ซ๐๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐Š๐š-๐‰๐š๐ฐ๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š.
Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray shir qaran oo ballaaran, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta ka-jawaabista abaaraha ka jira qaybo badan oo ka mid ah dalka.
Shirkan, oo ka dhacay Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Hayโ€™adda SoDMA, waxaa ka qeyb galay wasiirro ka socday dowlad-goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banaadir, Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha, iyo masuuliyiin kale oo heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah.
Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer diiradda loo saaray qiimeynta xaaladda abaaraha ee dalka, saameynta ay ku yeesheen nolosha bulshada, iyo sidii si wadajir ah, degdeg ahna looga jawaabi lahaa baahiyaha aasaasiga ah ee dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Wasiirrada dowlad-goboleedyada ayaa shirka ku soo bandhigay saameynta baโ€™an ee ay abaaruhu ku yeesheen deegaanadooda, iyaga oo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in gargaar degdeg ah oo wax ku ool ah la gaarsiiyo dadka nugul ee ay musiibadani saameysay.
Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa hadal uu ka jeediyay gabagabada shirka ku adkeeyay ka qeyb galayaasha shirka muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo fidiyo gargaar baniโ€™aadannimo, si loo badbaadiyo nolosha dadka ay abaaruhu saameeyeen loona yareeyo saameynta musiibada. Waxa uu sidoo kale ku baaqay iskaashi, wada-shaqeyn iyo isku-duubni dhexmarta dhammaan hayโ€™adaha ay khusayso ka-jawaabista abaaraha.
Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in Hayโ€™adda SoDMA ay sii wadi doonto dadaallada gurmadka, isku-xirka hayโ€™adaha kala duwan, iyo hagidda howlaha baniโ€™aadannimo, si loo xaqiijiyo in gargaar wax ku ool ah uu gaaro bulshada ku nool deegaanada ay abaaruhu sida daran u saameeyeen.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.