JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAYโ€™ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ ๐†๐š๐š๐๐ก๐š๐ฒ ๐‚๐š๐๐š๐š๐๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ฑ๐๐จ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐ŸŽ ๐๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐จ๐จ๐ ๐จ๐จ ๐๐ข๐ฒ๐จ ๐š๐ก๐ง๐š ๐Š๐ฎ ๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ˆ๐ฒ๐š๐ฒ.

Bogga HoreWararka ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ ๐†๐š๐š๐๐ก๐š๐ฒ ๐‚๐š๐๐š๐š๐๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ฑ๐๐จ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐ŸŽ ๐๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐จ๐จ๐ ๐จ๐จ ๐๐ข๐ฒ๐จ ๐š๐ก๐ง๐š ๐Š๐ฎ ๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ˆ๐ฒ๐š๐ฒ.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehlinayaan Guddiga Abaaraha Galmudug, isla markaana safar shaqo oo la xiriira gurmadka abaaraha ku maraya deegaannada Galmudug, ayaa gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda waxuu kulan la qaatay Guddiga Abaaraha Degmada, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda abaarta iyo saameynta ay ku yeelatay bulshada, wuxuuna ballan qaaday in Hayโ€™addu sii xoojin doonto taageerada loo fidinayo dadka ay abaartu saameysay.

Sidoo kale, wafdiga uu hoggaaminayo Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa u gudbay degmada Baxdo, halkaas oo uu Guddiga Abaaraha Baxdo ku wareejiyay 100 Booyadood oo biyo ah si loo gaarsiiyo qoysaska nugul ee ku nool degmada iyo deegaannada hoos yimaada.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha oo ku guda jira safarkiisa shaqo, ayaa qiimeyn iyo u kuurgalid ku sameeyay heerka ay abaartu u saameysay dadka xoolo-dhaqatada ah, si loo xoojiyo qorsheynta iyo dardargelinta gurmadka loo fidinayo bulshada nugul.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.